Wednesday, 28 November 2018

Casharka koowaad ee gargaarka dagdaga (first aid)

1)Waa maxay caafimaad?
Caafimaad waa xaalad dhamaystiran xaga makaxda, muuqaalka iyo nashaadka wanaagsan ee ma'ahan in uu cudur kamaqan yahay oo kaliya (who).

Ujeedooyinka cilmiga caafimaadka:
1. Kawarqabida xalada caafimaad ee jirka.
2. Kafogaanshaha waxyaabaha keena cudur IWM.
3. In laga haqabtiro baahida ay uqabto bulshada xaga caafimaadka.
Suruudaha udagan qofka baranaya cilmiga caafimaadka:
1. Waa in aan aadan ku gorgortamin bukaanka ama dhaawaca dushiisa.
2. Waa in aadan ka ash ashin bukaanka.
3. Waa in aadan kaxishoon bukaanka.
4.waa in aadan noqonin qof war kiisa badan yahay ama warbadan.
5. Waa in aadan ku dhaqmin falxaasidnimo ama anshax xumo ah.
Fiiro gaar ah caafimaadka waa ka mamnuuc eex iyo qabiilays ama kooxaysi.
2) waa maxay cudur ama bukto?
Cudur waa xaaladkasta oo aan caadi ahayn kaasoo sababa dhibaatooyin guud iyo mid gaar ahaaneed kuna dhacdo qaabdhismeedka jirka iyo shaqada jirka bini aadamka.
3) waa maxay daawo?
Daawo waa waxwalba oo qiyaas leh loona isticmaalo jirka looguna talagalay ka hortag ama daawayn cudur.
daawada waxa aya jirka u gashaa ilaa 5 qaab: durid ama kumudid, laqid ama dhunjin, marmarin ama ku dhabooqid, hawo ahaan, galin sida suboostada gadaal lagaliyo.
Fiiri gaar: walaal ha isticmaalin daawo uu san  dhaqtar soo qorin.

No comments:

Post a Comment