Heamorrhage: waa erey greek ah micnihiisana waa dhiig bax, hadaba dhiigbax waxaa lagu qeexaa marka uu dhiig fara badan ka baxo wareega dhiiga, waxaana loo kala saraa labo nooc oo kala ah:
1. External hemorrhage: dhiig bax ka dhaca jirka dibadiisa (banaankiisa).
2. Internal heamorrhage: waa dhiig bax ka dhaca jirka gudihiisa.
Fg: hadaba dhiig baxa waxaa sababa marka ay dhaawacmaan ama ay go'aan sedex xidid oo kala ah:
B.artery=halbowle
T. Vein=aroore
J. Capillary= teeftaafyo
Artery bleeding: waa marka ay go'aan ama ay dhaawacmaan xididada halboowlayaasha waxaana ka yimaada dhiig guduudan oo si xoogan usocda waana dhiig saafi ah waayo waxuu lee yahay oxygen.
Venous bleeding: waa marka ay go'aan ama ay dhaawacmaan xididada aroorayaasha waxaana ka yimaada dhiig madoow oo meel dhexaada usocda.
Capillary bleeding: waa marka ay go'aan ama ay dhaawacmaan xididada teftaafyadaa waxaana ka yimaado dhiig caadi ah oo si aayar ah usocda.
Calaamadaha dhiig baxa:
*dhiig bax
*dhidid habeenkii ah iyo maalintii
*shoog ama naxdin
*garaaca wadnaha oo kordha
*cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca
Gargaarka dhiig baxa:
*marka hore qofka dhiig baxaya waa in aad jiifisaa ama aad fadhiisisaa.
* lug ama gacan meesha uu dhiiga ka socdo waa inaad ka sara marisaa jirka intiisa kale.
*meesha uu dhiiga ka socdo waa in aad ku cadaadisaa suuf ama maro nadiif ah .
* sidoo kale meesha uu dhiig ka socdo waa in aad ka xirtaa meel in yar ka sareyso 30 daqiiqo mar waa in aad dabcisaa.
*qofka dhiig baxaya waa in aad ku durtaa cirbadaha dhiig joojinta.
Fiiro gaar ah: waligaa qof dhaawac haku xirin fiilo ama wax adag waayo waxaa imaanayo dhaawac kale


Masha allaah
ReplyDelete